Washington (QJ) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka ayaa walaac ka muujisay culayska ay kala kulmayso qadiyadda aqoonsiga Somaliland, waxaanay ku doodday in tallaabadaasi ay “ku dhiirragelin karto kooxaha argagixisada ah inay ka faa’iidaystaan fursadda” oo ay sii hurin karaan dhaqdhaqaaqyadooda.
“Siyaasad kasta oo wax u dhimeysa madax-bannaanida Soomaaliya waxay dhalinaysaa xagjirnimo, waxayna halis gelinaysaa xasilloonida guud ee Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hadalka safaaradda ayaa ku soo beegmaya xilli xildhibaan Ted Cruz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka, isla markaana ka mid ah mudanayaasha ugu saamaynta badan uu madaxweynaha Maraykanka u diray warqad uu kaga dalbanayo inuu aqoonsado Somaliland.
Warqadan ayuu Senator-ku kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin taariikhda Somaliland, muhiimadda ay leedahay goobta istaraatiijiyadeed, xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland iyo faa’iidooyinka ku jira, dimuqraadiyadda Somaliland iyo doorashooyinkii ay ku guulaysteen.
Soomaaliya ayaa sidan oo kale uga hortimid ku dhawaaqistii dhawaan ay Itoobiya ku sheegtay inay aqoonsanayso Somaliland.
