Muqdisho (QJ)– Ciidamada dowladda Federaalka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanno hoos taga degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib dagaallo xooggan oo xalay billowday oo ilaa saaka socday. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo uu hoggaaminayo Taliye Rashiid Janan ayaa weerar ku qaaday deegaanka Buula-Amiin, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland. Dagaalkan ayaa geystay khasaare lixaad leh, waxaana ka mid ah dhimashada Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Gedo Xuseen Cali Xaashi (Xuseen Giif) oo si weyn looga yaqaanay gobolkaasi, isla markaana taageersanaa Jubaland. Taliyaha ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Mandheera, halkaasoo la geeyay ka dib markii uu soo gaaray dhaawac halis ah. Labo askari ayaa sidoo kale ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen dhowr askari oo taabacsan Axmed Madoobe. Taliye Xuseen Giif ayaa bishii June u goostay Jubaland kadib markii xilka laga qaaday, waxaana uu noqday sarkaalkii ugu darajada sareeyay ee ka soo jeeda Jubaland oo ka qeyb qaatay dagaaladii Balad Xaawo ku soo noq noqday. Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska Federaalka Aadan Maxamed Siyaad Dhafoore uu sidoo kale ku dhaawacmay dagaalka cusub ee saaka. Dhaawaciisa ayaa laga yaabaa inuu u baahdo in loo wareejiyo Muqdisho si loogu daweeyo. Dagaalkan ayaa ahaa kii ugu dhiig daadinta badnaa ee magaalada Balad Xaawo ku dhexmara ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ee taabacsan Axmed Madoobe. Maamulka gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in ay taageerto ciidamada Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay in ay deegaanka ka dhigtaan fariisin gadaal ah, kaddib markii laga saaray gobolka Gedo ka hor inta aysan dib isu soo abaabulin. Qaar ka mid ah ciidamada Jubbaland oo dib uga baxay dagaalkii maanta ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u galeen dhulka Kenya, gaar ahaan xerada PP1 ee ku dhow Mandheera. Dowladda Soomaaliya ayaa arrintan ka aamustay, mana aysan ka hadlin faragelinta Itoobiya iyo Kenya ay ka wadaan gobolka Gedo.
Ciidamada Dowladda oo si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo
