Xubnaha Mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray war murtiyeed ay uga hadlayaan xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee dalka, kaddib kulamo wada-xaajood oo muddo ku dhow laba bilood qaatay ay la yeesheen madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.
War-murtiyeedka ka soo baxay Madasha Mucaaradka ayaa ugu horeyn lagu sheegay in shirarka wada-tashiga aysan ka soo bixin wax is-afgarad ah oo wax ka bedeli kara xaaladdaha siyaasadda, amniga, iyo hannaanka doorashada dalka.
Waxay tani ku tilmaameen fursad luntay oo meesha ka saartay rajadii shacabka Soomaaliyeed.
Madashu waxay sidoo kale ku baaqday in dowlad goboleedyada maqan, Puntland iyo Jubaland lagu soo daro wada xaajoodka qaran si heshiis buuxa looga gaaro doorasho toos ah, daah-furnaan iyo is afgarad.
Sidoo kale, War-murtiyeedka Madasha ayaa lagu dalbaday in si deg-deg ah lagu xalliyo 9-ka bilood ee ka harsan muddada xilka Madaxweynaha si loo qabto doorasho toos ah oo hal qof iyo cod ah, sida ku cad heshiisyadii hore. Waxa ay sidoo kale ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda dowladda, gaar ahaan gobolka Gedo.
