Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge Sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (QJ) – Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hawlanaa ilaalinta sirdoonka muddada dheer, ayaa xalay hawlgal qorsheysan oo ay ciidamadu ku dileen ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magalabeen). Howlgalka ayaa ka dhacay meel ku dhow deegaanka Buurdhuunle oo qiyaastii 17km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Argagixisada la ciribtiray ayaa kooxda ku jiray in ka badan 15 sano aadna loo baadi goobayay. Isagoo ka tirsan Al-shabaab, wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarro badan oo argagaxiso oo lagu waxyeeleeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Mudug, Galgaduud, Bay, Bakool iyo Gedo.

Argigixisada la sifeeyay Xuseen Macalin Xasan (Magaalabeen) ayaa horay u soo noqday madaxii howlgallada ciidamada ee gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, madaxii canshuuraha xoolaha ee gobolka Bakool, iyo taliyaha nabadsugidda ee gobollada Shabeellooyinka iyo Hiiraan.

Waxa kale oo uu ahaa ku xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole xagga qorista iyo dacaayadaha xagjirnimada.

Xuseen ayaa ka dambeeyay dagaallo badan oo ka dhacay Soomaaliya, isagoo qorsheynayay dilal qorsheysan iyo weerarro miino oo lagu dilay dad rayid ah. Geeridiisu waxay caddaynaysaa go’aanka dawladda Faderaalka ee ku aaddan ciribtirka Al-Shabaab, ilaalinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka qaranka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay howlgallada ciidamada XDS, iyadoo xaqiijisay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii wadi doonaan beegsiga horjoogayaasha Al-Shabaab meel kasta oo ay joogaan, iyadoo la ilaalinayo shacabka iyo amniga qaranka.