Washington (QJ) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u joojin doonto dhammaan gargaarka Soomaaliya sanadkan, ka dib markii muran ka dhashay masiirka sahayda gargaarka bini’aadanimo ee uu Mareykanku bixiyo.
Hakinta waxaa sidoo kale loo aaneynayaa niyad jab ka dhashay maamulka Mareykanka ee ku aaddan maaraynta gargaarka Soomaaliya, kaas oo la sheegay in inta badan lagu lunsaday Muqdisho. Tallaabadan uu Mareykanku qaaday waxay sii xoojinaysaa diidmada ay ka qabto siyaasadaha dowladda Xasan Sheekh ee ku saabsan caburinta hababka dimuqraadiyadda iyo faquuqidda dowladaha xubnaha ka ah federaalka.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay horraantii bishan inay xadeen gargaar bani’aadamnimo bakhaar ay leedahay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), kaas oo kaydiyay agab gargaar degdeg ah oo ahaa taageero caalami ah.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Mareykanka, tallaabadan lagu linsaday gargaarka, oo lagu fuliyay amar madaxweyne ayaa la rumeysan yahay inay keentay xatooyo ilaa 76 metrik tan oo gargaar bini’aadamnimo oo Mareykan ah oo loogu talagalay dadka nugul.
Intaa waxaa dheer, in ka badan 1,600 oo mitir oo sahay gargaar ah ayaa saameysay dhacdada ka dib markii mas’uuliyiinta lagu qasbay inay ka raraan goobtii asalka ahayd una raraan meelo kale.
Arritan awgeed, Washington waxay markiiba joojisay dhammaan barnaamijyada gargaarka Mareykanka ee si toos ah uga faa’iideysanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in dib u soo celinta gargaarka ay ku xiran tahay dowladda Soomaaliya inay aqbasho mas’uuliyadda oo ay la xisaabtanto sahayda maqan.
Joojinta dhammaan gargaarka Mareykanka waa masiibo ku dhacday Soomaaliya. Mareykanku ma aha oo kaliya deeq-bixiye laakiin waa laf-dhabarta dhaqaale iyo saadka ee ugu weyn dowladda Soomaaliya, ciidamada amniga, iyo gargaarka bani’aadamnimada. Joojinta waxaa lagu tilmaamay inay noqon karto “mid joogto ah,” taasoo muujinaysa kalsooni darro aasaasi ah, oo aan ahayn tallaabo ciqaab ku meel gaar ah.
Soomaaliya hadda waxay wajahaysaa duufaano waaweyn sida masiiboyin bani’aadamnimo oo sii kordheysa, dagaalka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo burburaya, iyo dowlad dhexe oo musalaftay oo go’doonsan.
