WASHINGTON (SD)– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in qof kasta oo isku daya inuu qabsado markab uu la kulmi doono “ciqaabta ugu dambeysa.”
Trump ayaa sheegay in Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth “la siiyay oggolaansho buuxda” inuu geeyo ciidamada militariga Mareykanka isla markaana la adeegsanayo weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Trump ayaa sidoo kale tilmaamay in burcadbadeedda Soomaalida lagu daray liis la mid ah kan bartilmaameedsanaya kooxaha ka ganacsada daroogada isla markaana loola tacaali doono isla hubka loo isticmaalo kuwa ka ganacsada daroogada.
Hadalka Madaxweynaha Mareykanka ayaa imaanaya xilli burcadbadeedda Soomaalida ay dhawaan ka qabsadeen xeebaha Soomaaliya markab kalluumeysi oo calanka Shiinaha oo numberkiisu yahay LDY578, iyagoo dalbanaya madaxfurasho dhan $5 milyan oo doolar.
Markabka waxaa la qabtay Diseembar 31, 2025, xeebta degmada Banderbayla, waxaana hadda la socday 17 shaqaale ah. Isla markabkan ayaa waxa sidoo kale hore u afduubtay koox kale oo burcad badeed ah sanadkii 2024, kuwaas oo markii dambe helay lacag madaxfurasho ah oo dhan $2 milyan oo doolar.
Madaxweyne Trump ayaa hore dhowr jeer u sheegay in Soomaaliya aysan ahayn waddan dhab ah oo shaqeynaya oo leh dowlad sharci ah. Xili ay qaar ka mid ah xubnaha Congress-ka iyo siyaasiyiin hore ay dhawaan soo jeedinayeen in la ballaariyo iskaashi dhow oo lala yeesho qaranka nabadda iyo dimuqraadiyadda leh ee Somaliland.
Isbarbardhigga kooxaha burcad badeedda iyo kooxaha daroogada caalamiga ah waa sawir sax ah oo muujinaya guuldarrada dawladda ee Soomaaliya. Burcad badeedda Soomaaliya waxay asal ahaan calaamad u tahay burburka dawladdnimo, sharci darrada, iyo faragelinta dawladda, sida kan Turkiga.
Dhibaatada burcad-badeeddu waa sawir sax ah oo muujinaya fashilka dawladda Soomaaliya, taasoo laga yaabo inay soo dedejiso kiiska isbeddel siyaasadeed oo ku wajahan isbedel siyaasadeed oo ku wejahan Soomaaliya.
