Xasan Sheekh iyo Ina Geele oo Jigjiga ku aasay qadiyadii Soomaaliweyn

JIGJIGA, (QJ) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa saaka ku qaabilay Garoonka Diyaaradaha ee Jigjga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Hogaamiyayaasha ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee Gerad Wilwaal, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay, iyadoo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, oo ay weheliyaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa yimid Jigjiga si ay uga qayb galaan munaasabadda jarista xarigga ee mashruuca dalxiiska “Shabelle”, oo ah hindise ay hirgelisay Dowlad Deegaanka Soomaalida oo loogu talagalay in lagu hormariyo dalxiiska iyo quruxda magaalada.

Mashruucan waxaa la filayaa inuu door weyn ka ciyaaro kor u qaadista dhaqaalaha gobolka, kor u qaadista dalxiiska, iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.

Imaatinka hoggaamiyeyaashan heerka sare ah iyo ka qaybgalkooda xafladdan waxay iftiiminaysaa xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan horumarinta, amniga, iyo xiriirka siyaasadeed.

Waxaa la filayaa in inta ay joogaan Jigjga, hoggaamiyeyaashu ay yeelan doonaan kulamo gaar ah si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira iskaashiga gobolka, xasilloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha, balse waxaan qeyb ka aheyn qodobada wadahadalka qadiyada iyo aqoonsigii dhawaan ay Israa’iil siisay Somaliland.

Intaa waxaa dheer, dhacdadani waxay shaki gelinaysaa hadalladii hore ee laba-wejiilenimada ahaa ee ka soo yeeray Jabuuti iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa mideynta Soomaaliya Weyn iyo baahida loo qabo in la mideeyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika.

Booqashada Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti waxay muujinaysaa in, iyadoon loo eegin meesha ay Soomaalidu rabaan inay ku noolaadaan, ay horumar samayn karaan haddii la ixtiraamo go’aankooda.

Su’aashu waxay markaa noqonaysaa: maxay Muqdisho iyo Jabuuti uga digayaan dadka Somaliland, kuwaas oo, sida dadka deggan gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ay ka fiirsanayaan waddohooda?

Ma hadalladii hore ee ku saabsanaa gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo ay soo martay khilaafaad iyo co;aado badan natiijo la’aam ahaa ayaa lagu beddelanayaa taageero aan faro lagu heyn?

Waxaa xusid mudan in Abiy Axmed uusan weli cambaareyn aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ama uusan ka laaban Heshiiskii hore ee uu la galay Madaxweynihii hore ee Somaliland, kaas oo soo jeediyay aqoonsi lagu beddesho marin u helidda badda.

Dadka wax indha indheeya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Somaliland, waxay arkaan laba-wejiilenimada bandhigga maanta lagu soo bandhigay Jigjga, oo ay sameeyeen Muqdisho iyo Jabuuti, kaas oo beddelay hadalladii hore ee ku saabsanaa “Midnimada Soomaaliya.”