Dubai Dec 15,2011(qurbejoog.com)-Ciyaaryahankii caanka ahaa ee reer Argentina Diego Armando Maradona oo iminka tababare ka ah dalka Imaraadka Carabta ayaa ganaax iyo xanibaad la dul dhigay ka dib kolkii uu buuq ka kiciyay ciyaar dhawaan dalkaas ka dhacday.
Maaradoona ayaa koox uu tababaro oo la yidhaahdo Al Wasl ay guul daro 2-0 ah kala kulantay ciyaar ay isaga hor yimaadeen kooxda Al Ain.
Maradoona ayaa deeto la dagaalamay tabarahii kooxda kale Cosmin Olaroiu oo iminka kooxdiisu kaalinta labaad ay ku jirto horyaalka Imaraadka.
Guddida ciyaaraha Imaaraadka ayaa ganaax dhan 2,700 oo dollar ku ganaaxay Maradoona,sidoo kalena ka joojiyay sadexda ciyaarood ee soo socda in uu goobjoog ku ahaado garoonka ciyaaraha ay kooxdiisu ku yeelaneyso.
Tababre Maradona ayaa in dhawaalaba ka cabanayay in isaga iyo kooxdiisaba ay garsooreyaashu ka soo horjeedaan.
Qurbejoog-Dubai
contact@somalidiasporanews.com
