Jabuuti Dec 15,2011(qurbejoog.com)-Midawga Dhaq dhaqaaqa Dimoqraadi doonka Jabuuti oo ka kaooban axsaabta PNP iyo DDA ayaa ku dhawaaqay banaanbax weyn oo lagu dalbanayo isbedel siyaasadeed oo dalka ka hirgala doorashooyinka soo socda hortood.
Qoraalka ay axsaabtani soo saartay ayaa lagu sheegay in dalabaadkooda ku saabsanaa doorashooyin xor ah oo dalka ka dhaca in xukuumadu dheg u dhigin.
Axsaabtu waxa ay dalbanayaan isbedelo dhab ah iyo dib u habeyn lagu sameeyo hanaanka doorashooyinka dalka.waxaaney dal badeen qodobo dhawr ah.
Waxa ka mid ahaa abuurida guddi doorasho oo dalka laga hirgeliyo, warbaahinta dalka oo axsaabtu u sinaato iyo in kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo saamiga codadka axsaabtu helaan.
Axsaabta isbedel doonka ah ee reer Jabuuti ayaa sheegay in maalinta Jimcaha ah ee December tahay 30ka la isu soo baxo oo dalka iyo dadkaba laga badbaadiyo keligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle.
Ma cada waxa xukuumada Jabuuti ka yeeli doonto baaqan ay axsaabtu soo saartay,dhawr jeer oo ay shacabka Jabuuti isu soo bax sameeyeena waxa ka hortagay ciidamada amniga ee Jabuuti.
Halkan Hoose ka akhriso Byaanka mucaaridka Jabuuti oo dhameystiran.
Qurbejoog-Jabuuti

