Uncategorized

Mwai Kipaki: Dhinacyada Soomaalida ha qaataan Nabadda

Nairobi Dec 15,2011(qurbejoog)-Madaxweynaha dowladda Kenya ayaa ugu baaqay dhinacyada isaga soo horjeeda dalka Soomaaliya inay qaataan nabadda si dhibaatooyinka kala duwan ay ugu baxaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Mwai Kipaki, Madaxweynaha Kenya oo u warmayay Warbaahinta Qaranka ee dalkaasi ayaa waxaa uu sheegay in dhinacyada Soomaalida gaar ahaan Ururka Al Shabaab iyo Xukuumadda KMG Soomaaliya ay wada hadlaan islamarkaana ay u naxaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Xerooyinka ku yaala dalka Kenya

 

Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa uu intaasi ku daray in dhinacyada Soomaalida looga bahanyahay inay qaataan nabadda oo ay dhigaan hubka, isagoo carabka ku dhuftay in maalin waliba Xerooyinka ku yaala dalka Kenya ay soo gaaraan Qaxooti Soomaali ah oo aad u farabadan kuwaasi oo laga deeriyay xaaladoodu nololeed.

 

Mr. Kipaki ayaa sheegay in Kenya lagu qasbay in gudaha ay usoo gasho Soomaaliya islamarkaana ay wax ka qabato ammaanka xuduudeeda, waxaana uu tilmaamay in taasi ay fariin cad u tahay shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

 

Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaala dalka Kenya ayaa waxaa ku jira dad Soomaali ah oo aad u farabadan kuwaasi oo ka hayaamaya abaaraha iyo colaadaha is biirsaday ee ka jira dalka Sooamaliya kuwaasi oo iminka u baahan in la gar-gaaro.

 

Qurbejoog-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com