Muqdisho Dec 15,2011(qurbejoog) Kadib markii muddooyinkii dambe Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ay ku eedeynayeen qaraxyada iyo miinooyinka loo dhigo Madaxda dowladda inay ka dambeeyaan rag ka tirsan Al Shabaab ayaa arrimahaasi waxaa maanta ka hadlay Saraakiil hore ugu soo goosatay Al Shabaab.
Baashi Max’ud Max’ed oo ah Sarakaal ka tirsanaa Al Shabaab islamarkaana iminka la shaqeeya dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in iyagoo la shaqeeya dowladda hadana lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan qaraxyada ka dhaca Muqdisho.
Saraakiishaani Shabaabka horey ugu tirsanaa ayaa waxa ay tilmaameen in Shabaabku waxa ay beegsanayaan ay yihiin iyagu marba hadii ay yaqaanaan sida loola dagaalamo, waxaana ay carabka ku dhufteen in howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ay kusoo qab qabteen rag ka tirsanaa Al Shabaab.
Ugu dambeyn Saraakiishaani oo ay wajiyadoodu ka muuqdeen caro ayaa waxa ay sheegeen in markii ay ka mid ahaayeen Al Shabaab ay arkeen dhibaatooyin kala duwan, waxaana ay tilmaameen in howlahoodu ay daacad u yihiin islamarkaana ay la shaqeynayaan laamaha ammaanka ee dowladda Federelka Soomaaliya.
Qurbejoog-Muqdisho
