Uncategorized

Ciidamada badda Midowga Yurub oo doomo ku wareejiyay dowladda Jabbuuti

Jabuuti Dec 15,2011(qurbejoog.com)-  Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa doomo ay ka qabteen kooxaha burcad badeeda Soomaalida waxa ay ku wareejiyeen dowladda Jabbuuti.

Admiral Christian oo ah taliye ku xigeenka Ciidamada badda ee Midowga Yurub oo la hadlay Saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada badda ee dowladda Jabbuuti ay ku wareejiyeen ilaa 6-doon oo uu sheegay inay ka qabsadeen burcad badeeda Soomaalida.

Taliye ku xigeenka ayaa tilmaamay in kooxaha burcad badeeda iminka dacwadoodu ay socoto, islamarkaana doonmahaani ay yihiin kuwa dheereeya oo ay wax kusoo afduubtaan burcad badeeda Soomaalida.

Saraakiisha Ciidamada badda ee dowladda Jabbuuti ayaa iyana xaqiijiyay in Midowga Yurub ay ku wareejiyeen doomahaani, waxaana ay xuseen in iyana ay qeyb ka yihiin la dagaalanka iyo ciribtirka Al Shabaab.

Mas’uuliyiin kala duwan oo u hadashay Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa horey u sheegay in ay fashiliyeen weeraro badan oo ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ku qaadeen doomi iyo Maraakiib ganacsi oo isticmaalayay gacan cadmeed iuo meelaha ka baxsan.

 

Qurbejoog-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com