Uncategorized

Wiil Somali ah oo lasoo taagay Maxkamad ku taala Canada

Toronto Dec 15, 2011(qurbejoog.com)- Maxkamad ku taala Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxaa dib loogu furay kiiska dambe loo haysto Muwaadin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Canada kaasi oo lagu eedeyay in uu damacsanaa in uu ku biiro Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha wadanka Soomaaliya. 

Max’ed Aadan Xirse oo da’diisu tahay 25-jir ayaa waxaa loo haystaa dambiga ah in uu qorshanayay in uu ku biiro Ururka AL Shabaab islamarkaana uu ka bar bar dagaalamo saaxiibadiisa oo horey ugu tagay dalka Canada ee iminka dagaalada kula jira dowladda KMG Somaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho. 

Maxkamadda ayaa sheegtay in Muwaadinkaan Soomaaliga ah laga hayo cadeymo muujinaya in uu ku biiri rabay Al Shabaab, waxaana Qareenka u doodaya wiilkan uu sheegay in Max’ed Aadan Xirse uu damacsanaa in uu booqda eheladiisa ku sugan Soomaaliya. 

Eedeysane Max’ed Aadan Xirse ayaa la sheegay in ciidamada dalkaasi ay qabteen xilli uu kasoo dhoofi rabay Magaalada Toronto ee Caasimadda dalka Canada, waxaana dowladda Canada marar badan ay sheegtay in Muwaadiniin Kanadiyaan ah ay ku biireen Al Shabaab.

 

Qurbejoog-Toronto

contact@somalidiasporanews.com