Uncategorized

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA GO’AANKOODA YAA AWOOD U LEH INUU DIIDO

Qaranimadii Soomaaliyeed way burburtay, shacabkiina waxuu noqday qaar marti u ah hadba waxii u yimaada ee ay wadamo kale soo dirsadaan, kuwaas oo fulinaya awaamiir la soo siiseeyey kii ka weecdana loogu hanjabo inuu xilkiisa waayi doono, taasoo keenta inay arinkasta oo loo soo dhiibo si indhola’aan ah ula boodaan, una qaderiyaan oo u weyneeyaan si uusan kursigoodani hadal u gelin.

Shaqsiyaadka noocan waxay dantii Umada Soomaaliyeed iyo tii wadankaba ka hormariyeen rabitaankooda khaaska ah, kaas oo marka danta laga leeyahay laga fushado ay xaqiiqo noqonayso in qalfoofkooda banaanka loo tuuri doono, Miyaysan shakhsiyaadkani u jeedin waxa ku dhacay iyo xaalada ay ku sugan yihiin kuwii aadka reer Galbeedka ugu dhegaha nuglaa ee loo jeclaa shalay, ee Ali Mohamed Gedi iyo Abdullahi Yusuf, meeyey Inna Abdirashid iyo Farmaajo, oo dhamaantood ahaa qaar aad u dhego nugul. Hadana waxaa noo bedelay Laba shariif iyo Abdiweli oo uu ka lumay jiheeyihii hagi lahaa garana la’ meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan.

Sidaan la socono hayada wadanka ugu saraysaa waa Baarlamaanka tiraday doonaan iyo tayaday doonaanba ha lahaadeene, Madaxweynuhu wuxuu ku yimid ansixintooda, Ra’iisal wasaaraha iyo Gudoomiyahooda baarlamaankuna waa rag ay iyagu ansixiyeen, golaha wasiiradana warkoodaba daa’.
Golaha baarlamaanku waxuu xaq u leeyahay inuu kalsoonida kala noqdo dhamaan hayadaha uu ansixiyey hadii ay buuxiyaan tirada sharci ahaan u ogolaanaysa, sidoo kale baarlamaankani waxay diidi karaan, ogolaan karaan waxna ka bedeli karaan, heshiiskasta oo dowladu soo gasho, ha la gasho hayado, shirkado ama wadamaba, waxaana sharci daro nowonaysa waxii aysan ogolaanin ee la isku dayo in la socodsiisto iyo shakhsiyaadkii isku daya inay daba maraanba.

Sidaa awgeed SHEEKH Shariif Sheekh Ahmed iyo Ra’iisal Wasaarihiisu ma hor istaagi karaan go’aanka Codka Baarlamaanka, awood u siinaysaana ma jirto, yuusan isku khaldin waxa sharcigu dhigayo iyo saaxiibtinimada kala dhaxaysa xubno maamulka sare ka mida, wadanka Soomaali baa leh iyagaana leh go’aanka ugu danbeeya, reer galbeedku way isku deyi karaan inay qaabka ay wax uga doonayaan wadanka oon marnaba dani ugu jirin shacabka iyo dalka toona inay ansixistaan iyagoo isticmaalaya kuwa hadba u dhegaha nugul, balse waa la hor istaagi karaa lana diidi karaa.

Hadii awooda laga qaado Baarlamaankan ma kan xili danbe la dooran doono ayaa awood u yeelan doona in codkiisa la maqlo, jawaabtu waa Maya. Baarlamaanka wax-garadka ah ee u muuqda inay ka soo horjeesteen dabinadii gumaysiga iyo kan u shaqaynayaba, ha ogaadeen inay haystaan taageerada shacabkooda, waana inay isku duubni muujiyaan waxaa xaqiiqo noqonaysa inay guulaysan doonaane’. Shariif Hasan waxaa la gudboon inuu inta aysan shacabku ku banaanbixin uu u hogaamsamo go’aanka kuwii shalayba Gudoomiyaha ka dhigtay. Sheekh Shariifna waxaa la gudboon in uu faraha kala baxo xaalada ka dhex jirta baarlamaanka dhexdiisa, hadii kalese ha u diyaar garoobo in uu weyn doono xilkiisa ka hor inta aysan ka qaadin kuwa uu u shaqaynayaahi. Shacabka waxaa la gudboon inay u hiiliyaan kuwa diidan samaynta dastuurtka macmalka ah een loo dhamayn iyo kala qaybinta iyo qoqobida dalka bad iyo berriba, waana in codkiinu banaanka u soo baxaa.

Ismail Ahmed
Ismahmed435@gmail.com