Muqdisho Jan 05,2011(qurbejoog.com)-Banaanbaxiii maanta oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka kala socotay labada gole ee dowladda KMG ah, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo fanaaniin ayaa waxaa u jeedadiisu aheyd in lagu taageero nabadda kahana qaaday Magaalada Muqdisho muddo 21-sano kadib.
Wasiiradda Haweenka iyo arrimaha qoyska ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Marwo Maryan Aways oo ka hadashay goobta uu ka dhacayay Banaanbaxa oo aheyd Xaruntii hore ee National-Tiyatar ayaa waxa ay sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalin nug-leh kasoo qaateen inay ka shaqeeyaan nabadda, iyadoo tilmaamtay in loo baahanyahay in Haweenka door muhiim ah ay ku yeesheen dowladda KMG Soomaaliya.
Sidoo kale Marwo Ubaxa Tahliil Warsame oo ah gudoomiyaha Haweenka golaha Nabadeynta iyo bilic soo celinta oo door wayn ka qaatay qaban qaabada banaanbaxa ayaa waxa ay sheegtay in xilligaani la joogo loo baahanyahay in la’iska kaashado ka shaqeynta ammaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan howlaha lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya.
Banaanbaxayaashii ka qeyb qaadanayay dibadbaxa ayaa waxa ay socod dheer kusoo mareen wadooyinka dhex mara qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoo adeegsanayay gawaari aad u farabadan oo qaarkood lagu soo xiray cod baahiyeyaal kuwaasi oo shacabka Soomaaliyeed loogu baaqayay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka Soomaaliya.
Qurbejoog-Muqdisho
