Uncategorized

NATO oo saadaalisay in Taliban Afgaanistaan dib u qabsan doonaan

Kabul Feb 02,2012(qurbejoog.com)-Huwanta NATO ee ka hawlgala dalka Afgaanistaan ayaa xog ay shaacisay ku sheegtay in meliishaadka ay dagaalka kula jiraan ee Talibaanku dib u hanan doonaan talada dalka Afgaanistaan kolka ciidamada shisheeye halkaa ka baxaan sanada 2014ka.

NATO ayaa sheegtay in ciidamada sirta ee Pakistaan ay ka goan tahay in ay talada dib ugu celiyaan kooxda Talibaan ee hoyga ka siisay Al Qaacida dalka Afgaanistaan.

NATO ayaa xogtan ka soo ururisay qaar ka mid ah melishaadka Talibaan oo gacantooda ku jira,waxaaney gidi qabaan in ay dalkaa dib u qabsan doonaan kolka reer galbeedku ciidamadooda ka daad gureeyaan Afgaanistaan.

Huwanta reer galbeedka ee dagaalka toboanka sano kula jira Taliban ayaa ku guul dareystay in ay dalkaa ka sifeeyaan kooxda isla markaana ay dalkaa gidigii gacanta ku dhigaan.

Dawlada Pakistaan ayaa si weyn uga soo hor jeesatay eeda ah in ciidamadoodu gacan siiyaan Talibaanka si ay talada markale u hantaan.

Qurbejoog-Kapul
contact@somalidiasporanews.com