Hargeysa 11, October 2012 (SDN)- Wasaarada Khaarajiga Somaliland, ayaa ka hadashay ismaandhaaf ay sheegtay inuu ka jiro habka doorashada hoggaanka Qurbejoogta Somaliland.
Sida lagu sheegay qoraal kooban oo Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Mr. Faysal Cali Sheekh ka soosaaray Hargeysa, wasaaraddu waxay iska fogaysay masuuliyadda habka doorashada hoggaanka ay jaaliyaddaha Qurbejoogtu dooranayaan, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Waxa na soo gaadhay is fahan-waa ku saabsan nidaamka ay jaaliyaduha Qurbo-jooga Somaliland ay ku doortaan cida Masuulka ka noqonaysa.
Sidaa darteed, waxay wasaaradda Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga cadaynaysaa in Ururada iyo Jimciyadaha Jaaliyadaha aanay dawlada Masuuliyad ka saarnayn Magaacibida Masuuliyiinta hogaamisa. Jaaliyaduhu iyagaaa u madax-banaan sida ay isu maamulayaan iyo cida ay hormoodka ka noqonaysa.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
