Uncategorized

Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo Hungo Madhan ku Tilmaamay Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo iyo Waxqabadkii ay Sheegteen

Hargeysa Oct 17,2012(SDN/Hubaal) – Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed oo ka mid ah aasaasayaashii Ururkii dib u xoraynta Dalka ee SNM ayaa sheegay in rajadiix shacabku ka qabeen  Xukuumadda Madaxweyne Maxamed Siilaanyo ay noqotay xubno gudhay, isla markaana ay dib u liqeen candhuuftooda.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo shalay u warraysi siiyey weriye Khaalid Xabdi oo ka tirsan Gabiley News waxa uu sheegay in  waxqabadkii ay Xukuumaddu ku andacootay inay samaysay labadii sanno ee u dambeeyey aanay ahay  70%  balse  taas beddelkeeda ay fulisay inta u dhaxaysa 5% illaa 10%.

Waxanu waxanu tilmaamay in aanu jirin Horumar muuqdda oo la qabtay muddadii Xukuumadda Kulmiye talada haysay. “Waxaan u arkaa in aanay Xukuumaddu 70% baad sheegaysaaye in aanay 5% ilaa 10% hadday ugu badato inta u dhaxaysa inay fulisay wixii ay qabatay, hase yeeshee Xukuumadda waxaynu u dooranay inay wax inoo qabato oo ay inoo shaqayso Wadanku-na waa mid u baahan in laga shaqeeyo oo la horumariyo, waxa horumar ah oo muuqda oo ay Xukuumaddu inoo qabatay labadii sanadood iyo badhkii ay talada haysay ma jirto dadkuna wuu ogyahay.” Ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin, waxanu intaa ku daray “ Horumarka aynu u baahanahay ee ugu horeeyaa waxa weeye Waddooyinkii Magaaladda guddaheeda isku xidhayey, Waddooyinkii dalka isku xidhayey, Iskuulada dhisi-dooda, Cusbitaaladii, Madaarada, Dekedaha, waxaas oo dhan bay tahay in ay Xukuumaddu wax ka qabato Shaqalo la’aanta Dhalinyarada haysata, Dhaqaalahan Wadanka inag soo galaya ee dadku ay inta badan ka shaqaysanayaan waa waxa ay Dadku ku nool-yihiin ee ay Shaqada ka helaan, markaa mar-ba haddii aynu arkayno qaybihii ay ahayd inay ina taabato ay waxba ka qabanin (Xukuumaddu) dee 70% meesh ay iyagu ka keenayaan waa ta Dadku ay markii ay sidaa ku doodeen ay u arkeen mid ay iyagu (Xukuumadda) iskasheegteen”

Prof: Cabadisalaan Yaasiin waxa uu sheegay in natiijadii ka soo baxay shirkii qiimaynta ahaa ee Madaxtooyadu ku tilmaamtay in in 70% la fuliyey ballanqaadyadii KULMIYE ummadda u qaaday biyo dhaceedu noqonayo in looga jeeday marin habaabin. “Wuxuun-bay ku daboolayaan tamar-daraantooda iyo hawl-qabad la’aantooda, markaa anigu Shakhsi ahaan waxaan qabaa sida ay Xukuumaddu arrinkaa ay tidhi waa markii laba Sanadood iyo badh ka dib markii ay Dadku aad u cawday ee Warbaahintii dhaliilo badan lagu sheegay ee Shacabku sidoo-dii kale u cawday, ee Maamul xumo laga cawaday, ee wax qabad la’aan laga cawaday, ee Sixir-babar laga cawaday inay is yidhaahdeen (Xukuumadda) laba Sanadood iyo badh-baad maraysaan muddadii la idin doortay badhtankeedii bal wax aydun dadka u sheegtaan sameeya, waxa-se u sheegeen dee iyagoo iska badheedhaa la qaadan-lahaa oo yidhaahda wax yar-baanu qabanay oo runta sheega, wax badanina wey noo hadhsan-yihiine dee intaa aanu qabanayna dadaalkaanu ku sii kordhin, markaa sidaasay ila tahay in aanay Xukuumaddani 70% baad sheegaysaaye sida aan hore ugu tilmaamay hadday ugu badato 5% baad siin kartaa”

Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed waxa kale oo uu sheegay in xiligii ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay talada Dalka qabatay ay Shacabku yididilo badan qabeen, waxaanu yidhi “Markii hore Yididilo weyn-baynu qabnay, dhibaatada haysata Xukuumaddan waxa weeyaan 8 Sandood oo Xukuumaddii hore ee Rayaale oo wax qabad la’aan ah ayey dhaxleen, iyagoo balan-qaaday oo Dadka yidhi wax-baanu idiin qabanaynaa oo balan weyn qaaday, Dadku aad iyo aad-buu Yididilo badan ugu qabay, Wasiiro tiro yar oo tayo leh waanu dooranaynaa-bay yidheedeen Wasiiradu markii hore sidii tii Rayaale ma badnayn, laakiin imikaad aratgaa inay badanayso sidii Xukuumaddi Rayaale maalin-ba sida Wasiiro loo magacaabayo,marba haddii ay dib ugu noqdeen 8 Sandood ee Rayaale ee wax qabad la’aantii, waxay taasi muujinaysaa Xukuumadda gabigeeda oo dhami-ba inaanay Qorshe Wadanka lagu dhiso oo habaysan, xataa kii Barnaamijka Siyaasiga ah ee ay keeneen ayaan jirin”

Prof: Cabdisalaan oo hadalkiisa sii wata, waxauu yidhi “Boobe (Wasiirkii hore ee Warfaafinta) wuxuu yidhi Idaacadii Radio Hargeysa sida ay ahayd-baan ugu imid, taa macnaheedu waxa weeyaan ilaa Cabdiraxmaan Tuur ilaa Maxamed X. Ibraahim Cigaa, ilaa Xukuumaddan isagu ka midka ahaa ilaa tii ka horaysay intaasu-ba wey wada eegayaan oo sidaas-uun bay tahay qabyadii Ingiriisku wuxuu nooga dhisay-baa bur-buray, waadiga arkay Maxkamaddu siday u bur-burtay, meel aan sidaa u bur-burin ma jirto wax lagu kordhiyo iska daayo, markaa maxaynu qabsanay? wixii aynu dhaxalnay-baa burburay, Waddooyinkii Ingiriisku dhisa-baa burbursan oo la hagaajin kari laa’yahay, markaa inaynu shaqaysano weeyaan oo Dalka ka shaqaysano oo Maamul yar oo kooban-baynu u baahanahay oo Dadka u shaqeeya oo adeegaa ay u baahan-yihiin u qabta kiina ilaa imika kama hayno”
SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com