Uncategorized

Komishanka Doorashooyinku Waxay Yidheehdeen Waxa Jira Masuuliyiin Dowlada Ka Tirsan KULMIYE U Ololaynaya Aniga Ka Mid Ah Maanan Fahmin Ula Jeedkooda (Agaasimaha Ka Hortaga AIDS-ka……

 

Hargeysa 09-11-2012-(SDN)- Agaasimaha Maamulka Komishanka ka hotrtaga AIDS-ka C/kariim Yuusuf Xinif ayaa jawaab ka bixiyey digniin iyo eed ay u jeediyeen guddida anshaxa komishanka Doorashooyinka oo ku eedeeyey in uu ka mid ahaa masuuliyiinta ololaha u adeegsaday hantida umadda.

Agaasimaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hutel Xaraf ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu tilmaamay in uu isagu yahay masuul ka tirsan xisbiga Kulmiye, isla markaana aanay jirin wax loogu diido in uu ololeeyo, maadaama sharciga dalka u yaallaa u fasaxayo.

“Guddidu waxay yidhaahdeen waxa jira masuuliyiin dawladda ah oo ku milmay xisbi, anigu maan fahmin arintaasi dee masuuliyiintu xisbi bay ka mid yihiin, waana waajib saaran inay xisbigooda u ololeeyaan, kuwa ololaynayaa waa kuwee inay taasi kala caddeeyaan, waxaanay ahayd inay yidhaahdaan shaqaale dawladdeed oo taasi anniga u odhanaya”.

Agaasimaha oo ka hadlayey xeerka shaqaalaha dawladdu waxa uu yidhi “Xeerka shaqaalaha dawladdu anniga oo kale ima qabanayo, marka laga hadlayo shaqaale dawladeedna illaa madaxweynuhu waa shaqaale dawladdeed, laakiin waxa jira wax lagu kala saaro oo ah darajooyin ay shaqaaluhu leeyihiin, taasi oo lagu siiyo guno marka ay hawl gabaan, balse annaga oo kale masuuliyiin markaanu nahay waxa la diiday in lanaga jaro 1% oo shaqaalaha laga jaro, lana siiyo marka ay hawl gab noqdaan, markaa aan anigu maanta ka tago halka aan hayo ma yeelanayo lacagtii gunada ee hawlgabka marka uu qofku meesha ka tago la siinayey”

Guddiga komishanka doorashooyinka  Somaliland ayaa dhawaan soo saaray  go,aanka Mamnuucaya in shaqalaha dowlada ay u ololeeyaan Xusbi kuudooono ha ahaade ,arrintantani oo taabanaysa Masuuliyin iyo shaqaale kale oo ka tirsan Xusbiga KULMIYE iyo Urur Siayaasadeedyada kale, go,aan kani oo saaamayn ku yeeshay qaarka mida Maayirada Magaalooyinka waa wayn oo ka sharaxan doorashada Deegaanka Xusbiyada iyo Uurur Siyaasadeedyo kala duwan.

www.Somalidiesporanews.com Hargeisa