Hargeysa 13-11-2012 (SDN) -Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa Saxaafadda madaxabanaan ee dalka ugu baaqay in wakhtiga doorashadda ee xaasaasiga ah ay baahiyaan warar ku salaysan xaqiiqdda.
Wasiirka Kalluumaysiga Cabdilaahi Geeljire oo maanta ka hadlay Casuumad uu Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) oo ka tirsan Golaha Wakiiladda u sameeyey Tifaftiraha Shabakadda Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal, ayaa sheegay in Saxaafaddu ay ka qayb-qaadato horumarka Dalka, isla-markaana ay Nabad-gelyadda meel uga soo wada jeestaan.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa; “Saxaafadda guud haan waxaan farayaa inay ka baxaan waxyaabaha Sharaftooda wax u dhimaya ee aan Dalkooda aan anfacayn ee ah War aan xaqiiq ahayn oo Shakhsi nacayb ah ee ka dhex-muuqdda qoraaladooda inay ka weynaadaan oo ay u jeestaan.”
Wasiir Geeljire waxa kale oo uu sheegay in Saxaafaddu ay qayb ka tahay horumarka Wadanka, waxaanu yidhi “Runtii Saxaafaddu horumar laxaad leh ayey uga qayb-qaadanaysaa horumarka Dalka” ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), waxaanu intaas ku daray “Gaar ahaan Wakhtigan xaasaasiga ah ee Doorashooyinka lagu jiro oo hoostana ay Beelnimo kaga dheehan-tahay inay arrintaas ka fogaadaan oo ay ka feejignaadaan oo ay Qaranka meel uga soo wada jeedsadaan Nabad-gelyadiisa oo sidii ay qaybta-ladxaadka leh ugu qaadan-jireen baan ku ku dhiirigelinyaa” ayuu yidhi Mr. Cabdilaahi.
Qurbejoog.com, Hargeysa
