Hargeysa 15-11-2012(SDN )Munaasibad lagu So dhawaynayey Masuul sare oo ka tirsanaa Ururka UMMADA Kuna Biiray Ururka WADDANI Munaasibadani oo ka dhacday Xarunta Guud ee Wadani ku leeyahay Maagalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda ugu saraysa Ururka oo uu hormuud ka yahay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro )
ugu horayna waxa munaasibadani hadal kooban ku furay Musharax Khadar Cabdilaahi Madar oo ka mida Musharaxiinta Ururka WADDANI ahna Masuulkii qaybta ka ahaa wada hadal WADDANI iyo Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Awnuur Aamiin Ismaaciil waxana hadalkiisi ka mid ahaa “waxaan inyar ka hadlidoona mudadadii uu wada hadalku noo socday Wasiirkii hore ee Xukuumada Daahir Riyaale ahaana Wasiirkii Madaxtooyada waxanau ahaa wasiirkii ugu nasiibka wacnaa mudadii uu hayey Xilkii Dowladii Daahir Riraale anigu waxaan ahaa xildhibaan ka sharaxan beesha galbeedka markaa manta farxad ayey ii tahay in Wasiirkaygii ahna odaygagii uu I garab taagan yahay Awnuur aadan Ismaaciil waxaa uu manta ka tirsan yahay Urur Ka WADDANI isaga iyo taageerayaashiisuba”
Jiif Caaqil Cali Cismaan Xuseen“Anigu waxaanu k animi Ururka UMMADA waxaanu u soo digo roganay Ururka WADDANI Ururkani urur jir ayuu ahaa laakiin waxaan nahay dad faro badan waxaanu taageersanhay Ururka WADDANI “
Waxaana hadalkaasi hadal ka jeedieye Awnuur Aamiin Ismaaciil oo sheegey sababta ku uu uga soo digo ragtay Ururka WADDANI.“Mudadanayaal iyo marwooyin dadka meesha isugu yimid Ururka WADDANI iyo Madaxada Sharafta leh eek a tirsan Ururka WADDANI Dhamantiin waxan idinku salaamayaa sida laydiin sheegey waxaan ka mid ahaa Ururka UMMADA layidhaahdo in mudo ah markii aan wax badan eegey markaaan ururada insha mariyey howlhooda iyo barmaamijyadooda waxaan go,aansaday in aan ka Soo diga Rogto Ururka UMMADA una Digo Rogto Ururka WADDANI “
Wasiirkii Hore Duulista iyo Hawada Cali Maxamed Warancade ayaa isna ka hadlay goobtaasi “Awnuur waxaanu wada ahayn Xuumadii hore waxaanu isku bedelnay xilkii wasaaradii Duulista iyo Hawada waxaanan manta jeclahay in aan manta halkan uga mahad celiyo gobolka gebilay dalkeena manta waxanu ka bilownay dhulka waxaynu ka soo bilownay meela Dowladi jirin dhisme jirin,maantana waxaaynu joogna in qofka madaxda inoo noqonayo in gamcaheena ku soo saarno mudadaasi waxaanu uso hal gamaynay in ay ka guurno Eex ,Qabyaalad,oo aynu u guurno waayo aniga ayaa bari iyo galbeedba ah markaa Ururka WADDANI waxaa ku midoobay Somaliland oo dhan min bari ilaa galbeed halkii dowladii Daahir Riyaale waxaa ay ahaan jirtay mid sal balaadhan markaa WADDANI waxaa uu yahay mid la mida oo sal balaadhan markaa waxaan leeyahay halkan ayaa laga helay Qoomiyad ee ku soo biira waxaanan Xusbi waynu us oo baxaynayaa eeXusbul Xaakim ka ayey ku dagaalamayanaa “
Axmed Cali Ubaxle Xogyahaya Ariimaha Gudaha Ee Ururka WADDANI oo hadal koban ka jeediyey halkaasi “aniga farxad gaara ayey ii tahay wakhtigii UDUB waxaan ahaa ragii ugu horaysay ee sii sahamiyey in ay dhacayso iminkana waad aragtaan anigu waxaan ahaa
Wasiirkii u horeeyey ee UDUB ka tirsanaa ee ku soo Biira WADDANI markaa waxaan hadana wadnaa sidii ay nu us amaylahayn Xusbi Qaran waanu u qalmaa oo wuu sal balaadhann yahay markaa gogol balaadhan ayaanu u dhignay Ururka qofkastaana wuu iman karaa waxaana leeyahay bari ilaa galbeed waa loo siman yahay waayo anigu bariga fog aayaan ahay markaa waxaan leeyahay doorashadii wax yar ayaa hadhay markaa ururada sii qaylinaya waxaanu leenahay doorashada waanu gelaynaa wax dhiba oo jiraana ma jiraan “
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mida Golaha Wakiilad aSomaliland ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii madashaasi ka hadlay waxaana ereyadiisi ka mid ahaa “manta waa ilaahay mahadii markii aanu ururk aasaasnay malaha gobolka aniga oo keliya ayaan ahaa laakin manta gobolkii gebilay oo socda walaalayaal sahan ayaan idiin aha waxanan leeyahay gebilay halka ay raacdo ayaa guushu raacda manta waxaan leeyahay soo dhawaada idinka oo guushii wata ,runtii waxaan leeyahay waad noo hiiliseen ee alle haydiin hiiliyo soo dhawaaada”
Xogyaha Guud ee Urur Siyaasadeedka WADDANI ahna Maayirka Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo madashaasi so dhawaynta ahayd ka hadlay ayaa sheegey in ay farxad wayn u tahay ku soo biirista uu ku soo biray wasiirkii hore Duulista iyo Hawada Somaliland Ururka uu ka tirsan yahay ee WADDANI waxan hadladiisi ka mid ahaa
“farxadan aan manta isugu nimi waxaynu u qabanay Wasiirkii Duulista iyo Hawada ee hore iyo dhamaan taageerayaasha iyo beesha uu hogaaminayo gebilay waxaa ay ku jirtaa meelaha ugu dadka badan leh markaa Caaqiladeedii iyo Siyaasiyiinteediba waxa ay ku soo biireen Ururka WADDANI aad iy aad ayaan u soo dhawaynay marka xildhibanada uu Ururka WADDANI u soo xulay markaa waxaanu leenahay oo aan dadka reer gebilay waxaan ugu baaqayaa in ay Musharaxiinta u codeeyaan waxaanu kale oo aan soo jeedinayaa 20 ayey Somaliland doorasho gelaysay markaa waxaan leeyahay nin kursi doonayaa oo nabad gelayadeena yaanu waxba yeelin ay nu ilaashano nabadeena”
Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Somaliland ahna Hogaamiyaha Ururka WADDANI ayaa gabo gabadii Munaasibadani soo dhawaynta ahayd ka hadlay ayaa dhamaan shacabka Somaliland ugu baaqay in ay nabad gelyada ilaaliyaan waxaan hadaladiisi ka mid ahaa “runtii farxad wayn bay ii tahay aniga oo ku hadlaya magcayga iyo magaca Ururkaba waxaanu soo dhawaynayaa Awnuur Aamin Ismaaciil oo aad wada garanayaasan jamhuuriyada Somaliland wasaarado adag ka soo qabtay markaa waxanu ku soo dhawaynaa gamco iyo laab furan ayaanu ku soo dawayeyenaa markaa waxaanu filayna in uu Wasiirku halkan ka helidoono saaxiibadii oo faro badan halkana uga soo horeeyey oo aanu ku qaloondoonin markaa waxaan ilaahay ka baryeynaa in uu nabad gelyo inoogu dhameeyo doorashada marka laga hadlayo dadka Reer gebilay meel sare ayey kaga jirta kala saarida doorashada Cida ku guulaysanaysa marka gebilay waa meesha lagu kala hadho marka aan eegno cududa inagu soo biirtay iyo tii shalay hadii aan isku darno waxaan u malaynayaa in gobolka gebilay qaadan doono halka ugu saraysa hadii kalena saamigeena waxaa kale oo aan idin sheegayaa Somaliland nabad geliyada way ku caano maashay walaalayaal hantida keliaya ee ay haysna waa nabad geliyada ee aynu ilaaliyaan dhamaan shacabka iyo taageerayaasha waxaan kula dardaarmayaa in ay nabad gelyada ilaaliyaan Somaliland ha noolaato dhamaan shacabka islaamkana waxaanu ku salaamaya sanadka cusub”
Dhinaca kale oo jira Xubno kale oo ku soo biiray Ururka WADDANI oo uu ka miyahay Cabdiraxmaan Jaamac Ismaaciil Madaxda sare ee shirkad Dahabshiil oo ku soo biiray Ururka WADDANI .
www.Qurbejoog.com Hargeisa
