Hargeysa 15-1112012-(SDN)– Ciidamadda Booliska Magaalooyinka kala duwan ee Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan u xidh-xidhay shan Musharax oo Magaalooyinka dalka uga tartamaya urur siyaasadeedka Umadda.
Booliska ayaa siyaabo kala duwan u xidhan shantan Musharax oo urur siyaasadeedka Umadda uga sharaxan Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Baligubadle iyo Caynaba iyo Waliba Guddoomiyaha degmada Caynaba ee urur siyaasadeedka Umadda.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose, ayuu ku soo bandhigay Magacyadda Musharixiinta boolisku ka xidheen, inkasta oo komiishanka doorashooyinka ka hadlay isla-markaana xoriyadooda u soo celiyey, ka dib markii maalmo kala badan xidhnaayeen.
Musharixiinta Umadda laga xidhay ayaa waxay kala yihiin:
1. Musharax Maxamed Yuusuf Cabdalle Labamarkiisa Codaynta 113/Baligubadle
2 . Musharax Cabdirisaaq Faarax Xuseen Lambarkiisa Codaynta 114/Burco
3. Musharax Maxamed Jaamac Dubad, Lambarkiisa Codaynta 105/Hargeisa
4. Musharax Cabdiraxmaan Mirre Gurxan, Lambarkiisa Codaynta 106/Caynaba.
5. Musharax Maxamed Ciise Ducaale, Lambarkiisa Codaynta 109/Burco iyo Guddoomiyaha Caynaba ee ururka Umadda Jaamac Maxamed Cabdi
www.Qurbejoog.com Hargeisa
