Uncategorized

Guddiga Anshaxa Doorashada Deegaanka oo mar kale u digay Maamulka Komishanka Aydhiska oo hore u balanqaaday inuu u OLolayn doono Xisbigiisa KULMIYE

Hargeysa 15-11-2012 (SDN) – Guddida Anshaxa doorashadda deegaanka Somaliland, ayaa shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Magaaladda Hargeysa , ayaa waxay eedaymo ugu jeeediyeen Agaasimaha Maamulka iyo xisaabaadka Komiishanka Aydhiska Mr Xinif oo dhawaan sheegay inaan u ololeynta Kulmiye cidna ka hor-joogsan Karin.

Guddoomiyaha Guddida Anshaxa doorashada Somaliland Axmed Maxamed Caddaad, ayaa nasiib daro ku tilmaamay in masuul dawladeed si cad ugu ololeeyaan xisbiga Kulmiye, iyadda Madaxwayanuhu ayiday xeerka anshaxa doorashada.

Axmed Maxamed Caddaad oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa ayaan daro ah wayn ah in agaasimaha Maamulka hay’adda AIDS-ka oo ah masuul dawladeed uu si badheedh ah oo aan gabasho lahayn ugu dhawaaqo inaanu u hogaansamayn sharciga dalka, gaar ahaan xeerka doorashooyinka (xeer Lr.20/2001, hab-dhaqanka xisbiyadda/ururada siyaasadda iyo Wareegtadda Madaxwaynaha JSL ku ayidday hanaan-socodka arimaha doorashada, maahmaahbaa tidhaahda “Aadamuhu wixii aanu garanayn waa Cadawe” malaha masuulku waxaanu garanayn in hadalka uu sida fudud ugu tiraabay ee maraga badan u sameeyay uu yahay xad-gudub sharci oo qiraal ah mase og-yahay xajiinta uu u soo jiidayo xisbiga uu u doodayo inuu u ololaynayo in xukuumadda uu ka tirsan yahay”

Guddiga Anshax marinta Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland ayaa dhowr jeer ka digay in Masuuliyiinta aan loo ogolayn in ay Xusbiyo iyo Ururo ugu ololeeyaan Hantida Dadwaynaha balse aan moodo in ay jiraan Masuuliyiin aan dhegba jalaq u siinin iyada oo aan ila hada aanay jirin Masuuliyiin ay Guddiga Anshax Marinta Doorashooyinka Deegaanku ay talaabo ka qaadeen.

www.Qurbejoog.com Hargeisa