Nirobi 18-11-2012(SDN)- Ugu yaraan lix qof oo rakaab ahaa ayaa ku dhintay qarax aan la sheegin waxa dhaliyey oo ku qarxay gaadhi marayay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi oo ay Soomaalidu degto.
Qaraxa ayaa gaadhigan yar qabsaday xilli uu marayay meel u dhaw Kiinasad ku taalla xaafada , waxaana dhintay dhaaman dadkii saarnaa ay sheegtay saxaafada dalka Kenya oo soo xiganaysa dad goob joogayaal ah
“Gaadhiga Matatu ah oo rakaab waday ayaa qarxay isaga oo hormaraya Kaniisadda dadkii saarnaa oo dhanna way ku dhinteen,” sidaa waxa yidhi goobjooge ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay .
Ciidamada ammaanka Magaalada Nairobi, ayaan ka hadal qaraxan, laakiin askari aan tiro badnayn ayaa lagu arkayay goobta uu qaruxu ka dhacay.
www.Qurbejoog.com Hargeisa
