Hargeysa 19-11-2012 (SDN)-Wefti ka socda Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa maanta xarunta dowlada Hoose ee Magaalada Boorame madax dhaqameedyada Gobolka Awdal iyo wax garad kale ee ka soo jeeda Gobolka Awdal .
wararka aanu helayno ayaa sheegeya in weftigan ka socda Aqalka Odayaasha Somaliland ula jeedkiisu ahaa sidii ay uga wada hadli laheen madax dhaqameedka iyo wax garadka gobolka sidii nabad gelyada loo ilaalin lahaa inta lagu gudo jiro doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo mudo maalmo ah uun inaga xigto wakhtigii ay dadka reer somaliland u dareeri lahayeen si ay codkooda u dhiiban laheen Doorashada Golayaasha Deegaanka ee wadanka .
Weftigani oo ka socda aqalka odayaasha ayaa maalmihii u dambeeyey socod ku marayey gobolada galbeedka Somaliland iyaga oo weftigu hore u sii maray Magaalada Gebilay oo ay kulan la yeesheen wax garadka ,madaxdhaqameedyada iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay kala xaalayeen sidii nabada loo adkayn lahaa maalmaaha doorashada .
waxaana weftiga lagu wada in ay u ambobaxaan Magaalada Saylac ee xerbta ku taala waxaana lagu wada in ay kulan la yeesheen madaxda dhaqanka iyo waliba dadka deegaanka iyada oo ay ka wada hadlidoonaan sida lagu wado dhinaca nabad gelyada ee wakhtigan la howlaysan yahay doorashada Golaha Deegaanka .
www.Qurbejoog.com Hargeisa Office
