Uncategorized

Khaadigii Maxkamada gobolka Bay oo lagu dilay Magaalada Baydhabo

Baydhabo Dec 18 2012 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa ku waramaya in Khaadigii Maxkamadda gobolka Bay lagu dilay Magaaladaasi.

Khaadiga la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Zakariye waxaana lagu dilay Suuqa Cirtoogte ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Dilka Khaadiga ayaa waxaa xaqiijiyay saraakiisha Magaalada Baydhabo ku sugan kuwaasi oo gaarya goobta lagu dilay Khaadiga sida ay hadalka u dhigeen.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Khaadiga Maxkamada gobolka Bay balse dilkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay dilal maalmihii danbe ka dhacayay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordha halkan kala soco