Hargaysa 25Dec.(SDN)Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada balligubadle oo manta yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey ee rasmi ah ayaa ka dib markii la dhaariyey waxay doorteen Mayor-ka iyo Mayor ku xigeenka cusub ee ay yeelan doonto magaaladaasi .
Fadhiga oo ay soo xaadireen xubnaha sadex iyo tobanka ah ee xildhibaanada golaha deegaanka waxaana goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka hawd Md Jamaal Hurre Xuseen.
Jagada Mayor-ka Magaalada balligubadle ayaa waxaa ku tartamay labada xildhibaan ee kala ahcabdi iimaan Jaamac iyo Sacad Xariir, waxaana tartankoodu u muuqday inuu yahay kii ugu kululaa ee illaa hadda soo mara doorashooyinka Mayor-ada cusub ee degmooyinka Somaliland, maadaama hal cod oo keliya lagu kala badiyey.
Xubnaha sadex iyo tobanka ah ee soo xaadiray fadhigaasi ayaa Todoba ka mid ahi waxay Mayor-ka balligubadle u doorteen Md Cabdi iimaan Jaamac taas oo ka dhigaysa inuu noqdo Mayorka magaaladaasi ee 10-ka sano ee soo socda. Halka musharixii labaad ee la tartamayey uu helay Lix cod.
Md Mowliid jaamac Yuusuf oo aan cidina kula tartamin jagada Ku xigeenka Mayor-ka ayaa waxaa u codeeyey sagaal xildhibaan waxana ka aamusay sadex, gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxuu ku noqon doonaa ku xigeenka Mayorka degmada Balligubadle ee Tobanka sanadood ee soo socda.
Hargaysa SDN

