Hargaysa 13,Jan.2013.(SDN) Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamud Cumar ayaa ku dhawaaqay inay soo gabo gabeeyeen Sadex Kiis oo oo Maxkamadu ka garnaqaysay isla markaana shaaciyay inay Maxkamadu dil ku xukuntay Shan qof oo ku eedaysnaa falal qaraxyo iyo Shirqoolo laga fuliyay Magaalada Laascaanood ,halka ay Maxkamadu afar kalena ku riday Xukuno u dhexeeya labaatan ilaa Toban Sanno.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamud oo khadka telefoonka ugu waramayay Shabakada SDN isagoo ku sugan Magaalada Laascaanood waxa uu sheegay in sidoo kale Maxkamadu ay Xoriyadoodii u soo celisay Sadex qof oo ku eedaysnaa falal dil ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood.
Gudoomiyuhu waxa uu xusay in Shanta Qof ee dilka ay ku xukuntay Maxkamadu ay afar ka mid ahi maqane yihiin halka uu Midina Joogo.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool oo aanu weydiinay Magacyada danbiilayaasha iyo kuwa ay xoriyadoodii u soo celiyeen ayaa ku jawaabay “Walaal waa fiid iminka Xafiisna ma joogo markaa beri ayay noqonaysaa inaad ila soo hadasho” Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa ugu weyn ee aan kuu sheegayaa waxay tahay in Maxkamada Gobolka Sool ay soo gabo gabaysay Kiisaskii Qaraxyada iyo Shirqoolada ahaa ee hor yaalay mudada dheer”.
Waa markii u horaysay ee Maxkamada Gobolka Sool ay gaadho inay Xukun ka soo saarto dadkii lagu laayay Magaalada Laascaanood oo ay hadhasay aamaan daro ka dhalatay.
Hargaysa SDN
