Iran 04.Feb.(SDN) jamhuuriyadda Iran ayaa beenisay warbixinaha tilmaamaya in ay lahayd doon yar oo hub siday oo laga helay xeebaha dalka Yemen dhamaadkii bishii Janaury.
mas’uul u hadlay wasaaradda arimaha dibada ee dalka Iran ayaa si adag u beeniyey eedaymaha tilmaamaya in Iran ay lahayd doontaasi, waxayna ku tilmaantay arrin aan maslaxad u ahayn labada wadan.
sida la ogyahay Wakaaladda wararka ee SABA ayaa maalinimadii axadda ee la soo dhaafay waxa ay baahisay in doontii hubka xambaarsanayd ee ay Ciidamada Marines-ka ameerikaanku ka heleen biyo-badeedka Saldanada Cummaan ay ahayd doon ay iska lahayd jamhuuriyadda Iran.
SDN Media Group
