Uncategorized

Guddoomiyaha barlamanka oo kulan la qaatay Ururada Shaqaalaha Rayidka

Muqdisho Feb 07 2013 (SDN)– Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah ururada shaqaalaha rayidka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah ururada dhanka shaqaalaha qaabilsan kuwaasi oo su’aalo weydiinaye Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Masuuliyiinta ka socday Ururada dhanka shaqaalaha ayaa waxa ay weydiinayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya in Dowlad aysan laheyn xeer uga dagsan shaqaalaha islamarkaana ay arintaasi u baahan yihiin in la sameeyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankiisa usheegay Ururada shaqaalaha in la sameynayo sharci Dowladda Soomaaliya ay ku dhaqmeyso kaasi oo sahlaya qaabka shaqaalaha ay uqaadanayso Dowladda Soomaaliya.

Kulanka maanta uu la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Ururada dhanka shaqaalaha ee rayidka ah ayaa wuxuu imaanaya iyadoo madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayaan sidii baahida kala duwan ee shacabka ay ku ogaan lahaayeen.

SDN-Muqdisho