Muqdisho Feb 16 2013 (SDN)– War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dilkii loo geestay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo shalay kooxo hubaysan ay Garoowe masaajid dhexdiisa ku dileen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa ku tilmaamay dilkii loo geystay Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax mid aad looga naxo lagana xumaado oo ka baxsan bini aadanimadda.
Wuxuuna uga tacsiyeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariisto Marxuum Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo xubin weyn ka ahaa culumada Soomaaliyeed.
Sheekha ayaa waxaa dishay gacan ka xaq daran goor uu cibaadeysanayay.
Madaxweynaha ayaa wuxuu ku tilmaamay Sheekha geeriyooday inuu ahaa Sheekh fidinta diinta Islaamka qeyb weyn ka qaatay. Wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo anagana iyo eheladiisana samar iyo iimaan naga wada siiyo.
SDN-Muqdisho-Somalia
