Uncategorized

Dowladda Ethiopia oo heshay diyaarado Drone ah oo lagula dagaalo Al Qaacidda

Addis Ababa Feb 16 2013 (SDN)– Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda dalka Sudan,dowlada Itoobiya ayaa iminka dooneysa inay kordhiso dagaalada ay kula jirto dagaalyahanada Al-shabaab ee xariirka la leh Al-Qaa’ida iyo waliba dagaalyahano kale oo ka jira wadamada Africa.

Saraakiisha oo magacyadooda aan shaacin sababo ammaanka la xariira,ayaa waxay shaaca ka qaadeen in dowlada itoobiya haatan ay sameysatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Droneska ee inta badan lagu yaqaano Mareykanka,kuwaasi oo meelaha fog fog wax ka dila.Ujeedada ugu muhiimsan ee itoobiya ay u sameysatay diyaaradahan Droneska ayaa lagu sheegay in kor loogu qaado tayada Malitari ee Ciidamada Itoobiya oo dagaal kula jira dagaalyahano shabaab ka tirsan,iyadoo dhanka kale ay soo baxayaan in itoobiya ay u cabsatay xaalada nabadgalyo daro oo wadankeeda ku soo wajahan sida Saraakiil magacooda qariyay u sheegeen Sudan Tribune.Saraakiisha Malitariga itoobiya ayaa sheegay in Diyaaradaha dagaalka horay loo sameeyay hadana ay ku jiraan tijaabooyin dhanka duulimaadka ah.

Saraakiishaan ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya dhowr jeer hanjabaadyo qalqal-gilinaya dhanka ammaanka ay kala kulmeen Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya,taasina lagu sheegay inay tahay sababta ugu weyn ee itoobiya ku dhalisay in diyaaradaan Droneska ay soo saarto.

Dowlada Itoobiya ayaa ka mid ahaa wadamada ciidamadooda ay kula dagaalamayaan Al-shabaab Soomaaliya,kuwaasi oo gacan Malitari siinaya dowlada Soomaaliya oo dagaalo kala soo horjeedaan dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Itoobiya ayaa sanadkii 2011,heshiis soo saarista dhanka Diyaaradaha Droneska waxay la saxiixatay Maamulka Isra’il,si markaasi itoobiya ugu fududaato soo saarista diyaaradahani.