Uncategorized

Ra’iisul wasaaraha oo balanqaad Lacageed u sameeyay cidii keentaa xogaha ku aadan Dilalka Wariyayaasha

Muqdisho Feb 16 2013 (SDN)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta kulan wuxuu la qaatay agaasimayaasha warbaahinta dalka Soomaaliya kaasi oo ka dhacay xafiiskiisa.

Kulanka oo ahaa mid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku xog wareysanaye agaasimayaasha warbaahinta ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya halkaasi wuxuu ka jeediyay balan qaad wanaagsan.Ugu horeyn Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa goobta ka sheegay in qofkii soo sheega ruux dilay wariye abaalmarin ahaan Xukuumadda ay usiinayso lacag dhan 25-kun oo doolarka Mareykanka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa isaga oo halkaasi ka hadlay wuxuu sheegay in qofkii soo sheega ruux dilay wariye la siinayo lacag dhan 50-kun oo doolarka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kiiska ruuxa la baarayo markii ay ku cadaatana fal dil ah lagu fulinayo qofkii soo sheegana abaalmarintaasi uu helayo.

Xukuumadaan cusub ee dalka Soomaaliya ayaa ku dadaalayso sidii ay wax kaga qaban laheyd tacadiyada kala duwan ee loo geesto Suxufiyiinta ku shaqeeya dalka iminka fooda kala sii baxaya 20-sano oo colaad ah.