Uncategorized

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland oo Golaha Guurtida Siiyay Warbixin ku saabsan nabada dalka

 

Hargaysa 16.Feb (SDN) Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland,ayaa Fadhigoodii Maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad  ee Golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure,waxa Mudanayaashu ay  Warbixin kaga Dhegaysteen Wasiirka  Wasaarada Arimaha Gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale oo uu Waheliyay Taliyaha Laanta Socdaalka ee somaliland.


Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa mudanayaasha warbixinka siiyaya xaaladda nabadgalyada ee dalka waxaana uu sheegay in guud ahaan dalku  ku suganyahay xaalad amaan oowanaagasan, wasiir duur oo ka hadlayay dhawaaqii dhinac a nabadgalyada ee dhawaan ka soo yeedhay wadamada Britain iyo maraykanaka ayaa sheegay in xogta arintaas aanay wadamadaas la wadaagin hayadaha amaanka ee somaliland  balse ay ku abuurtay feejignaan dheeri ah.

 

 

 

Wasiirku waxa uu xusay in in badan oo ka mid ah dadkii falalka amaan darada ah ka waday gobolka sool  gacanta lagu dhigay kale uu Intaasi ku daray In Amaanka Gudaha ee Dalka Maanta Meel Fiican Marayo iyadoo aanay Jirin Ajaanib Wadanka Wax Loogu Geysty Tan iyo Markii La  Asaasay Ciidamada SPU,Waxana Imika Lagu Soo Kordhiyay Ciidanka Booliska Lagu soo Ciidamada RRU ee Argagixisada La Dagaalanta  iyadoo intaas ay U dheertahay Tababaro kala duwan oo la Siiyay Ciidamada Amniga Jsl.

 

 

 

Wasiirka waxa uu Warbixintaasi Ku Tilmaamay in Shaqaaqooyinkii Gobolka Salal ka dhacay ay wakhtigan uu Yahay Mid aad u xasiloon Sidii Hore uu Gobolka ahaan jiray iyadoo Shaqaaqadiidana Lagu soo Dhameeyay Isafgarad iyadoo Warbixintaasi Wasiirku Ku Cadeeyay in Maanta Maalin uu Dalku Nabdoon yahay aanay Jirin.

 

 

 

Wasiirku Wasaarada Arimaha Gudahu Waxa uu Qiray in aan Marnaba Cabsida Aragagixisada Meesha Laga saari Karin,Maadaama ay Tahay Cabsi Caalamiya Arinta Argagixisadu waxa lala Hortagi karaa Dedaal iyo iskaashi Dhex Mar shicibka iyo Dawlada.

 

 

 

Waxana Wasiirka Halkaasi Lagu Weydiiyay Su’aalo kala Duwan oo Dhamaantood uu Wasiirku Halkaasi kaga Jawaabay.

 

 

 

Hargaysa SDN.