Hargaysa 16.Feb (SDN) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa bilaabay Olole Mug leh oo uu ku Muujinayo Hanashada Hogaaminta Xisbiga Kulmiye.
Wasiir Samaale ayaa damaciisa Mansabka Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Waxa uu daboolka kaga qaaday hadhiimo Sharafeed uu Maanta ugu sameeyay Huteel Maansoor dhalinyarada beesha uu ka soo jeedo ee Sacad Muuse.
Inkastoo aan saxaafada loogu talo galin kulankaas ayaa Warar Xog ogaal ahi waxay u Xaqiijiyeen Shabakada SDN in Wasiirka Maaliyadu Mudane C.casiis Maxamed Samaale uu ku dhiiraday Sidii uu fariintiisa u gaadhsiin lahaa dhalinyarada ka soo jeeda Beesha Sacad Muuse si ay ugu taageeraan Hamigiisa uu ku rabo hanashada Gudoomiyaha Xisbiga Marka la gaadho Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo la qaban doono bisha Sadexaad ee Sannadkan.
Dhinaca kale Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo uu Weheliyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Abiib Diiriye Nuur ayaa Maalintii Shalay Socdaal ay ku tageen Magaalada Gebilay waxay Shirar doceedyo kula yeesheen Madaxda Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Gebilay taas oo Wasiir Samaale ugu qadimay dalabkiisa ku wajahan Murashaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Ololaha Wasiirka Maaliyada ayaa lagu soo waramayaa inuu dhashay kadib markii uu Xaqiiqsaday in Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye uu mar labaad u taagan yahay Madaxweyne Siilaanyo taasina ay ku kaliftay inuu isu taago qabashada mansabka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Geesta kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa ku jira Guclo uu ku raadinayo sii haysashada jagada Gudoomiyaha Xisbiga iyo ka Madaxweyne isagoo kulamo la yeeshay Odayaasha Jilibka uu ka soo jeedo.
Dadweynaha Somaliland ayaa Isha ku haya halka uu ku biyo Shuban doono Loolanka u dhexeeya labadan Mas’uul iyo kooda hogaamin doona xisbiga talladda haya ee Kulmiye hantiya.
Hargaysa SDN.
