Uncategorized

Somaliya iyo Kenya oo siweyn isugu khilaafsan sameynta Ciidamo badeed oo AMISOM ah

New York Feb 17 2013 (SDN)— Dowladda Kenya ayaa aad uga xumaatay hadalkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in aysan Soomaaliya u baahneyn Ciidamo hoostaga AMISOM oo ka howlgala Biyaha Soomaaliya. 

Wakiilka dowladda Kenya u fadhigya Qaramada Midoobay Ambassador Macharia Kamau oo ka hadlay ayaa sheegay in Kenya ay aad uga niyad jabtay hadlka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya kaasi oo ku aadanaa in aysan Soomaaliya waqtigan dooneyn Ciidamo AMISOM ah oo ka howlga Badda. 

Ambassador Macharia Kamau ayaa tilmaamay in wax wanaagsan ay tahay oo loo baahanyahay in Ciidamo badeed la helo waxaana uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya sabab ay ku diido aysan jirin madaama xitaa aysan awood u laheen in ay iska difaacdo Al Shabaabka bariga ku sugan. 

Kenya ayaa ah wadanka kaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOm ee Ciidamo bada ka howlgala u diray Soomaaliya waxaana ay u ololeyneysay in golaha Amaanka laga meel mariyo qorshe 10-Milan oo Dolar ku ka caya oo howlgalkaasi ku aadan. 

Mr Kamau ayaa carabka ku dhuftay in Kenya ay wali rajo ka qabto in Qaramada Midoobay ay taageerto codsigooda in la sameeyo Ciidamo bad oo AMISOM hoostaga ah, hase ahaatee ay tixgalinayaan go’aan dowladda Soomaaliya islamarkaana ay siinayaan nuuca taageere ay doonayaan in la siiyo. 

Ra’iisul wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka hor hadashay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u sheegtay in dowladeedu aysan dooneyn in la sameeyo Ciidamo badeed oo ka howlgala Biyaha Soomaaliya kuwaasi oo si toos ah u hoostagaya howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. 

SDN-New York