Hargaysa Feb 17,2013(SDN) Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Xaaji Cali Shire ayaa ku soo xidhay Huteelka Maansoor tababar Mudo lix cisho ah u socday Shaqaalaha Wasaaradasi.
Tababarkan oo ay hirgalintiisa gacan ka gaysatay Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNFPA,waxaa ka qayb qaadanayay hawl wadeenada Wasaaradaasi ee Gobolada dalka,iyadoo lagu baranayay duruus la xidhiidha habka Sahaminta ama Ururinta Xogta Bulshada.
Madaxa Hay’ada UNFPA ee Somaliland Mr Donald ayaa ku booriyay ka qayb galayaashii kulankani in Wixii ay barteen ay ku dabaqaan Hawlahooda Shaqo .
Waxaa kale oo Kulankaas ka hadlay Xidhiidhiyaha Hay’adaha Qaramada Midoobay Mr Kerin.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo Xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in aqoon Isweydaarsigani uu Wax Weyn ka tarayo soo ururinta Xogaha rasmiga ah ee nolosha bulshada waxaanu ka dalbaday Xubnaha ka qayb galay inay aqoonta ay hanteen uga faa’iideeyaan dalka iyo dadkaba.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
