Uncategorized

Wasiirka Warfaafinta oo furay dhismayaal lagu soo kordhiyay Wasaarada Warfaafinta

Hargaysa 17.Feb (SDN) Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Abiib Diiriye Nuur oo uu wehelinayey Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf  ayaa maanta xadhiga ka jaray mashruuc isugu jira dhisme cusub iyo dib u habayn lagu sameeyey qaybo ka mid ah Studiye-yaasha Radio Hargaysa iyo Telefishanka Qaranka.

Mashruuca qaybtiisa dhismaha oo ka kooban Hool iyo labo xafiis ayaa waxaa maalgelisay hay’adda USAID dhismahiisana ay hirgelisay  hay’adda DAI, halka sidoo kalena mashruuca ay qayb ka ahayd dib u habayn lagu sameeyey Labo ka mid Studio-yaasha radio hargaysa  iyo Qolka kaydka.

Geesta kalena mashruucan waxaa ka mid ah dib u hagaajin lagu sameeyey Studio=aha tifatirka iyo baahinta wararka ee TV-ga Qaranka.

Hadal kooban oo uu wasiirka warfaafinta somaliland ka jeediyey furitaankii mashruucan ayaa ku booriyey shaqada wanaagsan ee ay hay’adahani u qabteen wasaaraddaisla markana ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan taageerada hay’adaha dawladda ay siiyaan gaar ahaan wasaaradan warfaafinta oo ah wasaarad ahmiyad u leh qaranka.

Md Abiib wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu munaasabadaasi oo ay goob joog ka ahaayeen  hawlwadeeno ka socday hay’addaha USAID iyo DAI xafiiskeeda Somaliland uu shahaado sharaf ku gudoonsiiyey shirkadda dhismaha wadaniga ah ee DELTA oo fulisay shaqada dhismaha.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiinta waaxyaha  wasaaradda Warfaafinta ayaa waxa warbixin la xidhiidha mashruucan iyo qaybihiisa ka soo jeediyey agaasimaha qorsheynta ee wasaaradda Warfaafinta Md Mukhtaar Axmed Sh aadan isagoo tibaaxay in mashruucan ay daba socdaan sadex mashruuc oo kala ah qalabaynta shanta xafiis ee cusub iyo Studiaha Radio hargaysa, tababar shaqaalaha farsamada la siin doono iyo dejinta siyaasadda guud ee wasaaradda.

Hargaysa SDN.