Uncategorized

Dowlada Puntland iyo Dowlada Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Garoowe

Garoowe Feb 17 2013 (SDN)— Xarunta Madaxtoyada Puntland ee Garowe ayaa xalay lagu qabtey Casho sharaf lagu casumey Wafdigiii ka socdey DF Somalia oo aaska Shiikh Cabdiqaadir uga yimid Garowe. 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ,kuxigeenka Madaxweynaha Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ka tirsan dowladda DF Somalia ,Puntland iyo Xildhibaano DF ka socdey ayaa cashadan ka qaybgalay. 

Xoojinta Xiriirka DF Somalia iyo Puntland ,iskaashiga dhinaca amaanka iyo arrimaha bulshada ayaa la iskula soo qaadey kulan cashada ka danbeeyey oo ay yeesheen labada dhinac. 

Wafdigan ayaa maanta 17 February,2013 booqashooyin ku maraya xarumaha dowladda Puntland ee magaalada Garowe ku yaal ka hor intay duhurnimada ka anbabixin dibna ugu noqon Muqdisho oo ka soo kicitimeen markii hore shalay.

SDN-Garoowe