Uncategorized

Xuska 150 Guuradii Ururka Bisha Cas oo Hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 17.Feb (SDN)   Munaasabad ku saabsan Xuska Sanadguurada 150-aad eegudida caalamiga ah ee ururka bisha cas ee Adduunka ayaa maanta lagu qabtay xarunta bisha cas ee Somaliland ee Magaalada Hargaysa.

Agaasimaha wacyigelinta ee ururka bisha cas Somaliland Guuleed Xasan Cilmi oo munaasabadaasi ka bacdi u waramay wakaaladda wararka somaliland ee Solna ayaa ka waramay taariikhda bisha cas ee Adduunka waxana uu sheegay in ururka lagu aasaasay Magaalada Geneva ee dalka swizarland sanadkii 1863 ayna ka hawlgasho dacalada dunida gaar ahaan deegaanada ay rabshaduhu ka jiraan. sanad walbana la xuso aasaasideeda maanta oo kale oo ku beegan 17-ka bisha Febaury.

Dhanka kalena Agaasimaha oo ka hadlayey shaqooyinka iyo hawlgalada ay Bisha cas ka fuliso somaliland ayaa waxa uu tilmaamay in ugu yaraan sadex kun oo dhalinyaro ah sanadkiiba la siiyo tababaro ku saabsan gargaarka degdega ah, kana hawlgalaan mashaariic adeeg caafimaad oo laga wado labo iyo toban xanaano oo ku kala yaalla Gobolada iyo degmooyinka Dalka kuwaasoo ay soo raacaan sagaal xanaano oo wareega oo ka shaqeeya xuduudaha ay somaliland la leedahay dalalka Gobolka.

Md Cilmi waxa kaloo uu xusay in ururka bisha cas uu Somaliland ka wado barnaamijka Baafinta daweynaha, taageerana ka gaysteen fayo dhowrka iyo helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbi karo. dhaqancelinta naafada iyo wacyigelin ku saabsan cudurada dilaaga ah oo loo marayo xeerarka caalamiga ah.

Hargaysa SDN.