Uncategorized

Duqa Magaalada Baladweyne oo xabasiga la dhigay

Baladweyne March 01 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay Sheegayaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaaladaasi ay maanta Xireen Duqa Magaalada Baladaweyne.

Xunko ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay xiritaanka duqa Magaalada Baladweyne, Maxamed Xasan Nuuriye.

Ma cada sababta ka danbeysay Xiritaanka duqa Baladweyne laakiin warar hoose ayaa sheegaya in lala xiriirino lacago la musuqmaasuqay.

Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ka socda ee ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay ay duqa Magaalada ku xigeen Saldhiga Booliska Magaalada halkaasi oo hada lagu hayo.

Horay ayay Ciidanka AMISOM u xireen xubno ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan oo arrimo badan lagu eedeeyay.

SDN-Baladweyne