Muqdisho March 01 2013 (SDN)— Waxaa xalay magaalada muqdisho ka dhacday Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa maamulka gobolka Banaadir marti sharaf kale iyo fanaaniin caan ah oo dib ugu soo gurya noqday magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadaasina ay ka dhacday Hoteelka City Plaza ee magaalada Muqdisho.
Waxaa Munaasabada iska kaashadeen maamulka gobolka Banaadir iyo fanaaniin ay ka mid yihii Max’ed Xuseen Xasan (Lafoole) Raxma Ruuxi iyo Farxaan Xidig, iyadoo ujeedkeeduna uu ahaa sidii lacag loogu aruurin lahaa carruurta darbi jiifka ah ee ku Dhibaateysan wadooyinka magaalada Muqdisho.
Munaasabadaani ayaa waxaa soo Buux Dhaafiyay boqolaal Ruux oo usoo daawasho tagay waxaana goobta ay Xaflada ka socotay xaadir ku ahaa gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmednuur Tarsan iyo qaar kale oo ka tirsan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.
Ugu Danbeentii Fanaaniintaani ayaa Horay u sheegeen in ay caruurta darbiya Jiifta aj ay u furi Doonaan xaruma waaweyn oo lagu xaaneenayo Ciyaalka ku Nool Suuqyada dhexdooda iyo Kuwa agoonta ah ee waalidiintooda ku naf waayeen intuu dalka dagaalada ka socdeen.
SDN-Muqdisho
