Muqdisho March 02 2013 (SDN)— Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ayaa hanjabaad ujeediyay raga caadeestay kufsiga haweenka iyo dhaca lagula dhaqaaqo shacabka Soomaaliyeed.
C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan udulqaadan doonin in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed oo ay uqaadeen masuuliyada.Wuxuu sheegay in qof waliba oo geesta kufsi si cad loo tooganayo maxkamad sharci ahna la saarayo kii dadka dhacana sidaasi si lamid ah lagu sameyn doono.
“Walaahi iyo Bilaahi iyo talaahi waxaan balan qaadeynaa ninkii gabar kufsado inaan dilno ninkii dhac geesta inaan maxkamad geyno oo sharciga la waafajiyo”Abaanduulaha ciidanka xooga dalka ayaa warbaahinta usheegay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay usheegay in qofkii ku dhaqaaqa fal kufsi ah lagu fulin doono dil toogasho ah Dowladda Soomaaliyana aysan arintaasi udulqaadan doonin.
