Uncategorized

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo u kicitimay Jabuuti

Muqdisho April 03 2013 (SDN)— Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta u duulay Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha uu hogaaminayo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi kale kuwaasi oo gaari doona dalka Jabuuti.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay in uu kala hadli doono Madaxda Jabuuti xiriirka Soomaaliya iyo dalkasi.

Ra’iisul wasaarah ayaa u gudbi doona dalalka Ethiopia iyo Kenya waxaana uu la kulmi doonaa hogaamiyaasha dalalkaasi.

SDN-Muqdisho

IMG_0377IMG_0376IMG_0374IMG_0373IMG_0372IMG_0371IMG_0370IMG_0369IMG_0368IMG_0367IMG_0366IMG_0365