Uncategorized

Shirweynaha Dib u habeynta Garsoorka oo Maanata La Soo Gabagabenayo

Muqdisho April 05,2013(SDN)-Waxaa Maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo  Shirweynihii dib u habeyanta galaada iyo garsoorka dalka .iyado shirkaasi uu maanta galay maalinkii 5aad ee ugu dambeysay.

Inta uu socday Shirkaasi waxaa looga hadlayay dhibaatooyinka dhibaatooyinka hortaagan garsoorka Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee looga gudbi karo caqabadaha hortaagan inuu garsoor  yeesho hogaan toosan.

Waxaana la filayaa inshikraasi  maanta uu kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah oo wax badan ka bedeli doona garsoorka haatan ka jira dalka oo si weyn ay u dhaliishan yihiin shacab soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Sidoo kale waxaa gabagabad shairkaasilagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed lagu sharaxayo go’aanadii kasoo baxay intii uu shirkaasi  socday shiyra ,iyadoona la hordhigi doonaan Baarlamaanka si ay u meelmariyaan.