Uncategorized

Fowziyo Yuusuf Xaaji Oo Addis Ababa uga qeybgaleysa Shir aan Caadi aheyn oo ay IGAD soo qaban qaabisay

Muqdisho April 05 2013 (SDN)Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo u duushay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay in ay ka qeybgaleyso shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo ka dhici doona Magaada Addis Abaab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo saxaafada kula hadashay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegtay in kulan looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya iyo xasilinteeda islamrkaana ay ka soo qeybgali doonaan madax kala duwan oo ka socota IGAD uu ka dhici doono Addis Ababa 7-da bishan.

Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa xustay in kulankaasi uu muhiim yahay iyadoo carabka ku dhuftay in uu dabo socdo kulamo hor looga soo yeeshay xaalada Soomaaliya.

“Maanta waxaan usocdaa Addis Ababa waxaana ka qeybgalayaa shir aan Caadi aheyn oo ay soo qaban qaabisay IGAD kaasi oo looga hadlayo xasilinta Soomaaliya iyo la dagaalanka Shabaab” Sidaasi waxaa sheegtay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan xilli ay saxaafada kula hadleysay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

SDN-Muqdisho