Uncategorized

QM oo ka hadashay muhiimada ay leedahay sugida Amaanka Barkacayaash ku nool Soomaaliya

Nairobi April 05 2013 (SDN)– Iyadoo Saxaafada kula hadashay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Zainab Hawa Bangura oo ah Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Xadgudubyada iyo isku dhacyada ayaa shaacisay in Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay in ay sameyso Cadaalad dhidabeysan, islamarkaana ka hortagta xadgudubyada inta badan ka dhaca dalka Soomaaliya, ayadoona si gaar ah farta ugu goday in la difaaco haweenka.

Waxay si cod dheer ah Xukuumadda Soomaaliya kaga codsatay in ay kor u qaado xaalada amaan ee dadka barakacayaasha ee ku jira Xerooyinka ku yaala Muqdisho iyo daafaheeda.

Sidoo kale Zainab Hawa Bangura ayaa waxa ay carabowday in Mas’uuliyiinta Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka warqabaan haweenka inta badan lagula kaco xadgudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee la xariira, ayadoo hadalkeeda intaasi raacisay in laga jawaab celiyana ay muhiim tahay.

“Muhiimada waxay tahay in la hirgeliyo cadaalada, sidaasi waxaa sheegtay Bangura, ayadoona intaasi ku dartay in mar hadii shacab ay arkaan cadaalad ay ku diirsan lahaayeen.

Hadalka Zainab Hawa Bangura oo ah xogahaya Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortaga xadgudubyada iyo isku dhacyada ayaa ku soo aadaya xilli Muqdisho uu ka soconayo shir looga hadlayo arimaha garsoorka, kaasi oo ay ka qeyb galayaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo Mas’uuliyiin Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ay wehliyaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa wajaheysa cadaadis dhanka beesha caalamka ah oo ku aadan ka hortagista xadgudubyada loo geysto haweenka Soomaaliyeeed ee ku jira xerooyinka Barakacayaasha Muqdisho iyo hareeraheeda.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arintani ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda Soomaaliya ay ku tala jirto dhisitaanka ciidamo ka hortaga xadgudubyada ka dhanka ah haweenka, balse uu tilmaamay in laga gacansiiyo.