Galinsoor April 06 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Degmada Gelinsoor ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in rag hubaysan ay ku dileen duleedka Degmadaasi wiil iyo Aabihiis.
Dilka wiilkaan iyo Aabihiis ayaa waxaa ka dambeeyay niman hubaysan oo duleedka Degmada Gelinsoor ku dilay,iyadoo ay ka baxsadeen goobta dilkaasi ay ka geysteen.
Deegaanka dilka uu ka dhacay ayaa lagu magacaaba Dacdheer oo 12 km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Galinsoor ee gobolka Mudug iyadoo halkaasi dhaawac hal ruux oo ka dhashay loo qaaday Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.
Sababta dilkaan ka dambeysay ayeey dadka deeganka noogu sheegeen inay tahay falal aano qabiil ah dadka deegaankana argagax ay ku noqotay in wiil iyo aabihiis hal meel laguwada dilo.
Dilkaan ayaa wuxuu dhacay xalay iyadoo kooxihii dilka geestay ay dhaceen xoolo isugu jira geel iyo ari ay lahaayeen wiilka iyo Aabaha la dilay.
Dilalka caynkaan ee aanooyinka qabiilka ku saleysan ayaa ka dhaca deeganada Gobalka Mudug miyigeeda.
SDN-Galinsoor
