Uncategorized

Qarax khasaaro geystay oo Ciidamada dowladda lagula eegtay degmada AfgooyeAfgooye

April 06 2013 (SDN)— Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa qarax khasaare geestay lagula eegtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose,xilli ay ku howlanaayeen qaadista canshuuro.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya lagula eegtay bartamaha suuqa Afgooye,halkaaasi oo dukaamo ku yaala maalin waliba ay ka qaadaan canshuuro.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa usheegay Qurbejoog.com in qaraxa uusan waxba kasoo gaarin ciidanka balse ay ku dhaawacmeen haweenay iyo laba caruur ah oo nawaaxiga goobta qaraxa uu ka dhacay ku sugnaa.

Qaraxa kadib sidii caadada aheyd ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sameeyeen baaritaano iyadoo ay gacanta kusoo dhigeen wiil dhalinyaro ah oo qaraxa ay la xiriirinayaan.

Ciidamada Dowladda Soomaaaliya ayaa qaraxyo iyo dilal qorsheysan looogu geestaa Magaalada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose.

SDN-Afgooye