Uncategorized

Taageerayaal Kubada Cagta Ah Oo Lagu Dilay Dalka Brazil Oo Martigalinaya Koobka Aduunka 2014

Fortaleza April 15 2013 (SDN)– Labo Ruux oo Taageerayaal kubada cagta ahaa ayaa lagu toogtay dalka Brazil ee lagu qaban rabo koobka Aduunka ee 2014ka.

Warbaahinta dalkaasi Koofurta America kuyaalla ayaa sheegtay in labada taageere ee la dilay la rumeysanyay in ay toogteen taageerayaal kale oo ay xifaal tamaan sida warka loo dhigay.

Arrintan ayaa ka dhacday Magaalada Waqooyi-Bari Brazil ku taala ee Fortaleza, gaar ahaan meel u dhaw Garoonka Koobka Aduunka wax ka marti galin raba ee Arena Castelao.

Warar uu daayay Globo ayaa sheegaya in Labada Ruux ee la dilay ay ahaayeen Rag taageerayay Ceara waxaana toogtay labo kale oo taageero u ah Fortaleza oo gaari saarnaa.

Tani ayaa waxa ay qeyb ka tahay tixanaal dhacdooyin ah oo la arkayay tan iyo markii dib loo dhigay dib u dhiska Garoonka Maracana.

SDN-Fortaleza